Madbacada Hiil Press

Hiil Press Publishing Co.

 

GUUDMAR SHIRKADDA KU SAABSAN


Hiil Press: Waa shirkad daabacaad, Turjumaad, Tifaftir iyo Faafin oo ka hawlgasha deegaannada Soomaalida iyo Masar, si gaar ahna ugu fooggan soo saarista buugaag Soomaaliyeed oo tiro ahaan iyo tayo ahaanba badan. Hiil Press waxay mabda’a ahaan u taagan taay kor u qaadidda iyo teyaynta Maktabadda Soo,aaliyeed; markale waxay isku deyaysaa in ay buuxiso kaalinta ku bannaan Afka Soomaaliga ee ah in qoran lagu kaydiyo lana horumariyo. 


Muddadii ay shirkaddu jirtey waxay soo saartay in kabadan 250 buug. Waxa ay luuqadda Soomaaliga usoo turjumtay 36 buug oo ku qornaa luuqado kala duwan.



ABOUT HIIL PRESS PUBLISHING Co.


Hiil Press is a multifaceted company that operates in the publishing, translation, editing, and distribution fields. The company focuses on producing quality Somali books in large quantities, with the aim of promoting and enhancing the Somali library. Hiil Press endeavors to bridge the gap in written Somali language by preserving and developing it.


Hiil Press Publishing Co., was pioneered in the year 2018. Up to now, Hiil Press has published over 300 books during the course of its history.

The company has it’s headquartered in Hargeisa, Somaliland. The city is home to several cultural institutions, including museums, libraries, and art galleries, making it an ideal location for Hiil Press to operate from.


With its focus on producing quality Somali books, Hiil Press has contributed significantly to the development and promotion of the Somali language and culture. The company's commitment to preserving and developing the Somali language is a testament to its dedication to promoting literacy and education in Somali Peninsula and the wider East African region.

 

 

HIIGSI   HIRAAL
Hiil Press waxay hiigsanaysaa inay noqoto madbacadda bulshada Soomaaliyeed, oo horseed u noqota fidinta, dhigaalka iyo tayaynta fikradaha aqoonyahanka iyo indheergaradka ummadda Soomaaliyeed. Hiraalka u muuqda shirkadda Hiil Press waa inay hoggaanka madbacadaha deegaannada Soomaalida iyo geeska Afrikaba ay noqoto.
         
         
OUR MISSION   OUR VISION
The mission of Hiil Press is to be the leading press for the Somali community. The company aims to spread, preserve, and enhance the ideas and works of Somali scholars and intellectuals. By doing so, Hiil Press hopes to contribute to the development and progress of the Somali nation by providing a platform for the dissemination of knowledge and ideas. Through its publications, the company seeks to promote and celebrate Somali language and culture, fostering a greater understanding and appreciation of the Somali community.   The vision of Hiil Press is to become the leader in the printing industry in Somalia/Somaliland and Horn of Africa. The company seeks to achieve this by producing quality books in large quantities, utilizing modern printing technology and adhering to best publishing practices. Hiil Press aims to expand its operations, and partner with other organizations and institutions to promote the growth of the publishing industry in the region.

 

QIYAMKA GUUD (Core Values)


      • Hoggaamin
      • Isla-xisaabtan
      • Hufnaan
      • Qancinta Macaamiisha
      • Hal-abuur
      • Degdegsiimo
      • Wadashaqayn

MASHAARIICDA AY SHIRKADDU WADDO


Si guud iyada ooo Hiil Press iyada oo ah shirkad daabacadeed, misana waxay daabacaadda garab waddaa mashruucyo lagu kobcinayo garaadka bulsheed, laguna hodminayo Af-soomaaliga iyo buugta qiiimaha badan ee isla luuqadda lagu heli karoba.

 

Waxaa mashruucyadaas kamida:


1. Taxanaha Hiil Turjumid

Turjumiddu waa mid ka mid ah qaababka ugu heerka sarreeya ee loo adeegsado tarminta aqoonta. Isla markaa, afka Soomaaliga oo lagu tiriyo afafka ay aqoonta ugu yari ku qorantahay, waa qaab looga dhigi karo af xambaara oo gudbiya jaadadka kala duwan ee cilmiga. Turjumistu waa habka ereyo badan oo adeegsiga Soomaaliga ka baxay loo saari karo macnayaal la jaanqaadaya aqoonta casriga ah.


Mashruucan Turjumistu waxa uu fursad u noqon doonaa dadka aan afafka kale wax ku akhriyin, ama aan ugu dhadhansan karin uguna fahmi karin sida ay afka Soomaaliga ugu fahmaan. Waa mashruuc aannu rejaynayno inuu horseed u noqdo kacdoon aqooneed oo lagu baadigoobayo guud ahaan cilmiga ina kaga maqan afafka helay maalgashi u fududeeyay inay weeleeyaan noocyada kala duwan ee aqoonta.


Turjumista aannu doorannay in buugaag laamaha kala duwan ee aqoonta ah, sida; Dhaqaalaha, Taariikhda, Ganacsiga, Sheeka-faneedda iyo wixii la mid ah u soo turjunno afka Soomaaliga, waa mid aannu doonayno in ay meesha ka saarto tuhunka ah in af Soomaaligu uu yahay af agnaan ah oo aan aqoon xambaari karin. Annagoo og baaxadda iyo culayska ay leedahay hawsha noocaas ah ayaannu madbacad ahaan qaadannay go’aanka iyo fulinta mashruucan hadda soo gebageboobay.


Caqabadda ugu weyn oo ah qabyannimada qorista afka Soomaaliga, iyo iyada oo aanay jirin hay’adihii kobcintiisa ku foogganaan lahaa, haddana intii karaankayaga ah waxa aannu ku dedaalnay in aannu adeegsanno ereyo Soomaali badhax la’ ah, isla markaana xambaaraya macnaha iyo ujeeddada qoraalka laga soo haltebinayo.


Ugu dambayn, waxa aannu rejaynaynaa in mashruucani wax weyn ka tari doono baahida xad-dhaafka ah ee afka Soomaaliga iyo bulshadiisu ay u qabaan in ay helaan aqoon la jaal ah oo ay si fudud u fahmi karaan isla markaana u heli karaan.


Sidoo kale, waxa aannu soo dhawaynaynaa wixii talo, toosin, iyo tilmaan ah ee wax ku biirinaya mashruucan aannu gudagalnay.

 

2. Buug Caruureed

Sida ilbaxniamada ummada adduunku ka marag-kacayso, barbaarinta carruurtu waa kaalinta ugu mugga weyn ee lagu soo saari karo jiil ka karti iyo waxsoosaar badan kii ka horreeyey. Haddaa baraabinta carruurta waxa kaalinta ugu weyn ka qaata afka wax lagu baro iyo qaababka afkaasi wax loogu tuso.


Sida Muuqata  ma haystaan carruurteennu agab iyo buugaag aqooneed waxbarashada iyo barashada deegaankooda ama dhaqankooda ka kaaba inay si wanaagsan u weeleeyaan ama halabuukooda taageera.


Sidaa awgeed, waxa ma-huraan ah in la dabaqabto dhiigbaxa ku socda carruurteenna ee sababaya inay afaf kale wax ku bartaan, fahanka waxbarashada aan afkooda ku sharraxnayni ku adkaado, afkooda iyo isirkoodana aanay wax badan ka garanaynnin.


Dadka ama dalalka kale waxay leeyihiin sanduuq yar oo ay ku dhan yihiin dhammaan noocyada kala duwan ee buugaagta iyo qalabka carruurta oo kala heerar ah. Heer walba sanduuq (kit) dhammaystiran baad u helaysaa, laakiin kii Soomaaliga ahaa weli lama hayo waan rajaynayna in aynu ugu horraynayno idamka Eebbe.

 

3. Taxanaha Dibucurasho

Farta Af Soomaaliga kolkii la hirgeliyay, oo 1972dii dabayaaqadiisa ahayd, waxgarad badan baa ku dhiirraday in ay wax ummaddooda waxtar u ah oo ku qoran fartan Af Soomaaliga loo yeelay soo saaraan. Laakiin waxsoosaarkaa badankiisu waxa uu la burburay dawladdii Soomaaliya ee 1991dii duntay. Wax aan badnayn baa ka hadhay oo ka badbaaday burburkaas.


Haddaba, Hiil Press waxa ay isu xilqaantay in ay baadidoonto wixii buugaag ah ee baabba’a ka hadhay oo intii awooddeeda ah ay dib boodhka uga jafto. Sidaa waxaa loo yeelayaa in la badbaadiyo dhaxal qoran oo Soomaaliyeed oo haddii aan la dabaqaban noqon doona wax baabba’ay oo beri hore jiray. Taa macnaheedu ma aha in ay Hiil Press dib u soo saarayso wax wal oo la daabacay (ama aan la daabicin) muddadii u dhaxaysay hirgelintii farta iyo burburkii 1991kii.


Wax badan waa ay lumeen oo si lagu heli karo Eebbe ayuun baa og. In kale ciddii qortay baa innaga hoosaysa oo si loola xidhiidhi karo oo oggolaansho looga heli karo lama yaqaanno. Laakiin in kale oo haddii la baadidoono si uun lagu heli karo, isla kolkaana si kale lagu heli karo ciddii soo saartay ee xuquuqdeeda lahayd, ayaa jirta.


Kuwaas bay Hiil Press dib u qoriddooda, daabiciddooda, faafintooda iyo maalgelintoodaba isu xilsaartay isla kolkaana ka mid noqon doona taxanahan loo bixiyay Dibucurasho.

 

4. Hiil Podcast

Hiil Press waxa ay ugu bushaaraynaysaa akhristayaasha Soomaaliyeed in ay u soo kordhisay adeeg cusub oo magaciisu yahay Hiil Podcast. Adeeggan, oo ah mid dhegaysi ah, ujeeddada kowaad ee ay Hiil Press u abuurtay waa in dadka aan haysan waqti ku filan oo ay wax ku akhriyaan loo helo jid kale oo ay ku heli karaan murtida ku qoran buugagta ay soo saarto Hiil Press. Jidkaa kale oo ah mid dhegaysi ah.


Haddaba, Hiil Press waxa ay kol kale idinku bushaaraynaysaa in ay bilowday hormadii kowaad ee adeeggan. Hormadani oo ku caanbaxday “Taxanaha Sheeko Gaaban” waa mid ka kooban 10 sheeko oo gaagaaban oo farriimo bulsheed oo waxtar leh xambaarsan. Sheekooyinkani waxa ay u badan yihiin qaar afaf qalaad laga soo turjumay oo nuxurka ay xambaarsan yihiin uu isugu jiro fikir, waxsheeg iyo waayo’aragnimo.

Ugu dambayntii, waxaad naga sugtaanba waa sheekooyinkaas oo dhegaysi ah oo ballaysin u ah adeeggan cusub ee ay shirkadda Hiil Press u soo kordhisay akhristayaasha Soomaaliyeed.

 

5. Sheekogaaban

Taxanahan sheeko gaaban ee aanu bilownay ka shirkad ahaan waa mid aanu uga gol-leennahay dhawr ujeedoba.

Waxaanu aragnay inay jirto baahi aad u baahsan oo ay bulshada soomaaliyeed u oomman tahay inay helaan buug yare tayo akhris leh oo laga soo tarjumo afafka qalaad. si ay bulshadu u hesho aqoon tayeysan oo aan afka soomaaliga hore loogu qorin.


Waxaa nala habboonaatay in aanu soo miidhano sheekooyin gaagaaban oo duluc mug iyo miisanba leh xanbaarsan, micne ahaana manfac badan laga dheefsan karayo- markale annaga oo eegayna danta akhristaha aan duruuftu u saamaxeyn in uu iibsado buug dhamaystiran ayaanu ugu talogalnay taxanahan sheeko gaaban.


 

TRANSLATION DEPARTMENT


The aim of this project is to improve the quality and quantity of Somali literature, particularly in terms of books translated into the Somali language. Translation is considered an honorable act that connects the Somali language to the intellectual heritage of the world's people. This effort aims to raise awareness and consciousness among the native language community.


The project mainly focuses on literature and aims to promote the works of black people, African studies, or black studies, and the global south thinkers in general (the likes of Frantz Fanon, Edward Said, Paulo Freire, Dambisa Moyo, to name but few, were translated into Somali), with the goal of integrating the continent's society into linguistic and cultural relations. Additionally, the project emphasizes other areas of Somali society that contribute to the development of knowledge, such as books on economics, politics, fiction, and literature.


The Somali language is one of the major African languages, spoken across the greater Horn of Africa and East Africa region including Somalia, Djibouti, Ethiopia, and Kenya. Despite making slow but significant progress since the Somali language was recognized as an official script in 1972, it has sustained a crisis similar to that which has befallen the nation. As a result, Hiil Press has taken it upon itself to mitigate the interruption in the process and increase the number of books translated into Somali, while simultaneously emphasizing quality. Although translation work is demanding and often underfunded, Hiil Press initiated the Hiil Translation series, with the Somali people who love and read in their own language being their main source of support.


The first target audience of this translation work is Somali people who are unable to read in foreign languages or those who prefer reading in their mother tongue. However, the ultimate goal is to ensure that Somali readers do not have to rely on foreign languages to access important books in various fields of life. The project aims to nationalize and translate as many of these books as possible into well-written Somali language.